Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha Somalia ee dalka Ugandha oo la kulmay Mustafe M. Ijdaara (Sawirro)

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii yahaha safaaradda dowlada Liibaya ee aan walaalaha nahay Mudane Mustafe M. Ijdaara.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa macsalaamayn iyo salaan sharafeed maadaama sii hayaha safaaradda Liibiya uu u dhamaaday muddadii shaqada ee dalkan Uganda loona badalay dal kale ayaa waxay labada mas’uul isku soo qaadeen xariirka labada dal ee soo jireen ah.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Cagabaruur ayaa dhankiisa uga mahadnaqay salaanta iyo macsalaameynta uu mas’uulka safaaradda ugu yimid, Isagoo u rajeeyey guul Iyo horumar Shaqada cusub ee loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in qorshe kale daba socdo Dagaalka ka dhanka Al Shabaab

Cabdi Cade

Guddiga qaran ee ka hortaga cudurka Coronavirus oo digniin cusub soo saaray

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/dibeda ee Somalia iyo dhigiisa Imaaraadka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---