Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga DF & Ku-simaha Safiirka Mareykanka? (Sawirro)

Wasiirka Gaashaadhigga DF Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Somalia Collen Crenwelge iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dib u dhiska & horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka argagixisada.

Wasiirka iyo Saraakiisha safaaradda ayaa hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta ciidanka la dagaalanka aragagixisada iyo in ciidamada Soomaaliya ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen argagixisada caqabadda ku ah amniga iyo horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo Muqdisho ka dhacay iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Musharaxiinta oo ku baaqay in uu sii socdo Wadahadalada Xukuumada Rooble

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyay arrimaha Doorashada Somalia & Shirka Afisiyooni oo ..

admin
Taboola Ads ---