Nin beeraley ah oo ku nool gobolka Katsina ee dalka Nigeria, ayaa go’aansaday in uu iibiyo saqafka kore ee gurigiisa, si lacagta uu uga helo madax furasho ahaan uga bixiyo wiilkiiisa oo afduub loo heesto.
Saidu Faskari oo ah aabe aan dhaqaalo heysan ayey ku adkaatay in uu bixiyo lacag madax furasho ah oo laga dalbaday si loo soo daayo wiilkiisa oo afduub ahaan u heestaan kooxo burcad ah oo ka howlgala qeybo kamid ah Nageria.
Warbaahinta Premium Times ee kasoo baxda dalka Nageria ayaa qortay in Saidu Faskari laga siiyay saqafka kore ee gurigiisa lacag gaareysa 100,000 lacagta Naira ee laga isticmaalo Nigeria, si lacagtaasi u siiyo burcada heesata wiilikiisa.
Aabahan beeraleyda ah ayaa go’aansaday in meel cidlo ah ku hoydaan qoyskiisa si uu xuriyaddisa u helo wiilkiisa oo la afduubtay bishii December, waxa uuna rajo ka qabaa in mar kale dib ugu soo laabto wiilkiisa.
Baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ee dalka Nageria ayaa bilaabay olole lagu taageerayo aabahan iibiyay saqafka kore ee gurigiisa si mar kale loogu dhiso gurigiisa loona caawiyo qoyskiisa.
Dalka Nageria gobolo katirsan waxaa ka howgala kooxo burcad ah oo dadka afduub u geesta, burcadan ayaana inta badan lacago madax furasho ah kusii daaya dadka ay afduub ahaan u qabsadaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com