Allbanaadir.com
NEWS

Qodobada Muhiimka ah ee laga reebay War-Murtiyeedkii shirka Golaha wadatashiga

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo gabagabeeyay shirkii mudada afarta cisho ah uga socday Muqdisho, kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada.

Qodobada ka soo baxay ayaa lagu tilmaamay kuwo aan macno badan laheyn oo shirarkii hore lagu soo saaray balse la fulin waayey, waxaana ka mid ah qodobada la filayey balse dhinac la iska dhigay:-

  1. In goluhu cambaareeyo isku daygii afgambi ee Farmaajo ku kacay 27-kii December 2021
  2. In Doorashada Laga dhigo hal deegaan doorasho
  3. In la laalo natiijada kuraasta uu muranku ka jiro
  4. In beesha caalamka ay qaswade u aqoonsato qofkii loo arko in doorashada ka socon la’dahay
  5. In Rooble ku saxan yahay guddiyada uu kala diray, lana soo doorto guddoon cusub oo loo sameynayo guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka

6-iyo qodobkii ugu weynaa ee ahaa amniga dalka laga wareejiyo Rooble, kaasoo lagu soo koobay in ciidamadu faraha kala baxaan siyaasada iyo in AMISOM xoojiso amaanka madaxtooyada.

Qodobadan ayaa la sheegay iney diideen madaxda dowlad goboleedyada taageersan Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Farmaajo oo sida muuqata saameyn ku lahaa shirka isagoo ka maqan.

Qaar ka mid ah dadka falanqeeeya siyaasada Somalia ayaa sheegaya in qodobada soo baxay ay yihiin kuwo aan macno badan laheyn marka loo eego mudada shirka loo fadhiyey iyo wixii laga filayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoobiyeyaal lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamo badan oo loo diray Gobalka Sanaag !!

admin

Guddigii Maaliyada iyo Miisaaniyada ee Golaha Shacabka oo lakala diray (Akhriso)

Cabdi Cade

RW Khayre oo la kulmay guddiyada ka hortagga COVID-19 ee dowlad gobaleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---