Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga doorashada federaalka oo ka hadlay natiijada Shirka Golaha wadatashiga

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa soo dhaweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Muqdisho uga socday madasha Wadatashiga Qaran.

Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ku soo aaday xili muhiim ah.

Xubnahan Guddigan ayaa dhowaan u kala jabay labo garab oo la kala safan Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka oo khilaaf xoogan uu u dhexeeyo.

Xubnaha taageersan Rooble ayaa dhowaan shaaciyey iney xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii guddigaas Cirro, iyagoo xusay in bogagii guddiga ee baraha bulshada aysan gacantooda ku jirin, taasoo ka dhigan in qoraalkan ay soo saareen xubnaha guddiga ee taageersan Farmaajo oo gacanta ku haya bogga facebook ee guddiga.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa bixiyey amarka lagu baneynayo dhulkii Casa Italia ee deg. Xamar-weyne? (Cadeyn)

Caydiid Ali

(Akhriso) Golaha amaanka ee QM oo War kulul ka soo saaray qaraxii Ex-control Afgooye

Caydiid Ali

(Sawirro) Dowlado u gurmaday dab xoogan oo ka socda kaymaha gobolka Gironde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---