Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo gabagabeeyay shirkii mudada afarta cisho ah uga socday Muqdisho, kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada.
Waxaa shirkan gudoominayey raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxda sare ee shanta maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.
Inta badan qodobada la soo saaray ayaa khuseeyey habraaca hufnaanta doorahada iyo cida awooda u leh soo xulida ergooyinka wax dooranaya,
Qodobada ugu muhiimsan ee madaxdu isku raaceen waxaa ka mid ah  in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo mudada u dhexeysa 15-ka Janaayo ilaa 25-ka Febraayo.’
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale isku raacay inaan doorashada laga hor istaagi karin musharaxiinta dooneysa iney tartamaan haddii ay buuxiyaan shuruudaha doorashada.
Qodobada la soo saaray ee ugu muhiimsan waxaa kale oo ka mid ah inaan musharax gaar ah loo xiri karin kursi doorasho, iyadoo dhinaca kale musharaxiinta laga dhaafay kharashka warqada dembi la’aanta ee CID iyo wixii kharashaadka ee yar yar.
Arrinta amniga doorashada oo maalmihii la soo dhaafay ay dooddeedu taagneyd ayaa madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka waxay war-murtiyeedkooda ku yiraahdeen “Ciidamadu waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkood ilaalinta Amniga dalka iyo dadka, una hoggaansamaan dhammaan shuruucda iyo xeerka dalka, iyadoo AMISOM loogu baaqay iney xoojiso amaanka madaxtooyada Qaranka
War murtiyeedka laguma soo hadal qaadin arrinta ku saabsan kuraasta lagu muransan yahay ee ay dalbadeen Midowga Musharaxiinta waxayna wararku sheegayaan in arrintaas loo daayey inay go’aan ka soo gaaraan Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com