Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa qoraal uu soo saaray uga digay ciidanka xoogga dalka in ay ku milmaan siyaasadda dalka .
Qoraal uu soo saaray Wasiirka gaashaandhigda ayuu ciidamada xoogga dalka ku faray in aysan ku dhax milmin ama loo adeegsan siyaasadda kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee loo xil saaray.
” Iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, ama loo adeegsado siyaasadda” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Wasiirka ayaana ugu dambeyn cadeeyay cidii ka dhaga adeegta amarka uu soo saaray kuna milanta siyaasadda in laga qaadi doono talaabo waadaqasan shuruucda dalka kuyaala.
Hadalka wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili horey taliyaasha ciidamada oo la rumeesan yahay in ay la safan yihiin Madaxweyne Farmaajo ciidamada kala duwan uga digeen in ay siyaasadda ku milmaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com