Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo…

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in golaha wadatashiga qaran maanta mar kale kulan gaar ah la yeelanayaan wakiilo matalaya golaha midowga musharaxiinta mucaaradka.

Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa arimaha doorashada iyo amaanka dalka, waxa ayna golaha wadatashiga dhageesan doonaan arigtida iyo tallooyinka golaha midowga musharaxiinta.

Shirka golaha wadatashiga oo socday mudo isbuuc ah ayaa wararku sheegayaan in hada isku soo dhawaadeen hogaamiyaasha shirsan ayna isfaham ka gaareen inta badan qodobadii ay ka doodayeen iskuna hayeen.

Kulamadii ugu dambeeyay ee shalay yeesheen golaha wadatashiga qaran ayaa lagu waramayaa in ay qodobo badan isku fahmeen golaha wadatashiga ayna dhiman tahay in la qoro kadibna saxiixaan .

Golaha wadatashiga qaran ayaana la filayaa in ay soo saaraan war-murtiyeed ku cad qodobadii ay ku heshiiyeen gaar ahaan dhinaca doorashada iyo amaanka oo ahaa qodobada ugu adag ee shirka uga doodayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu qabtay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Saraakiil ciidan oo laga dhigayo Gudoomiyaal Degno iyo Cumar Filish oo ka hadlay sababta

Cabdi Cade

Markab siday Xoolo kumanaan neef gaaraya oo si lama filaan ah u degay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---