Allbanaadir.com
NEWS

Guri kuyaala Muqdisho oo lagu beeray Daroogo halis iyo Booliiska oo soo qabtay

Ciidamada booliiska ayaa howlgal qorsheesan oo ay xalay fuliyeen xaafada Tookyo ee degmada Howlwadaag waxa ay ku heleen guri lagu beeray waxyaabaha maankadooriya gaar ahaan xashiishka nuuca ugu qatarsan ee loo yaqaan Murjawaanaha.

Ciidamada booliiska ayaa guriga ay howlgalka ka sameeyeen sidoo kale kusoo qabtay haaman laga buuxiyay calaqa macmalka iyo waxyaabo kale oo maankadooriya, ciidamada ayaa sidoo kale soo xiray dadkii lahaa waxyaabaha maankadooriya.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa sheegay in ciidamada booliiska fuliyeen howlgalka ay kusoo heleen guriga lagu beeray dhirta laga sameeyo xashiishka nuuca ugu halista badan ee Murjawaanaha.

“Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha maankadooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya guryaha lagu sameeyo laguna iibiyo waxyaabaha maankadooriya kaa oo dhibaato badan ku hayay dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana maalmahan socday howlgalo ciidamada amaanka kula dagaalayeen maandooriyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Caafimaad oo xilka iskaga casilay bukaano u geeriyooday Ogsijiin la’aan

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Indhihiisa kusoo arkay Dhibaato Al Shabaab geesteen (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Madaxwayne Axmed Madoowe oo afka furtay noqoshadiisa Kismaayo & habka lagu xalinayo xiisada Gedo !!

admin
Taboola Ads ---