Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuurada Kenya Airweys oo laga mamnuucay dalka Imaaraadka iyo Sababta ka dambeysa

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Imaaraadka ay mamnuucday dhammaan duullimaadyada rakaabka ee ka yimaada Kenya ka dib markii dadka safarka ah ee ka imaanaya Nairobi laga helay cudurka (Covid-19), iyagoo sita qoraalo cadeynaya ineysan qabin cudurka lana soo baaray,

Agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya Gilbert Kibe ayaa sheegay in arrintan ay ka dhalatay musuqmaasuq ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka kuwaasoo uu ku eedeeyey iney dadka safarka ah laaluush uga qaataan inay u soo saaraan warqada natiijada Covid-19 oo la been abuuray.

“Dubai ma haysato wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn inay mamnuucdo duullimaadyada rakaabka ka imanaya Kenya sababtoo ah maalin keliya ayay arkeen ilaa 20 kiis oo Covid 19 kuwaasoo watay waraaqo la been abuuray” ayuu yiri Gilbert Kibe.

Wargeyska Bussines daily ee ka soo Nairobi ayaa qoray in Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilowday baaritaan ku saabsan arrintan si talaabo looga qaado saraakiisha caafimaad ee ku lugta leh fadeexadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgal Amni xaqiijin ah oo laga sameeyay xaafado katirsan Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad shaacisay iney ka baxday urur goboleedka IGAD & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Israa’iil oo loogu deeqay Gantaal loogu magacdaray Naarta Jahannamo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---