Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka soo kordhay shirka Golaha wadatashiga Qaranka uga socda Muqdisho?

Kulankii maanta hotel Decale ku yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayey doorashooyinka kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalintiisii afaraad soo gabageboobay.

Afhayeenka xukuumada Somalia ayaa sheegay  in kulankaan uu ku soo dhamaaday natiijo wanaagsan, ayna madaxda golaha qaab isfaham leh uga doodeen qodobadii laga hadlayey oo uu ka mid ahaa hufnaanta doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda golaha wadatashiga ay wadaan la tashiyadii ugu dambeeyey, ayna beri la kulmi doonaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka dib la soo saarayaa War murtiyeed ku saabsan qodobadii ka soo baxay shirka sida qorshuhu yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax ka ogow balan qaadyo waaweyn ee Talyaanigu u sameeyay Xasan Shikh !!

admin

Muxuu shirkii Garoowe kaga duwanaa shirarkii ka kala dhacay Hobyo & Muqdisho?

Caydiid Ali

Jamaal Caraaye “Safiir Yoonis markuu ogaaday inuu beddel yahay ayuu go’aansaday wixii uu sii qaadan karo iyo wixii uu qasi karo inuu qaso”

admin
Taboola Ads ---