Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne amar ku bixiyey in la laayo dibed-baxayaal diidan hogaankiisa

Madaxweynaha Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa amray ciidamada ammaanka inay toogan karaan isla markaana dili karaan mudaaharaadayaasha, taasoo timid ka dib toddobaad rabshado ah oo hareeyay dalkaas.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay ku yiri argagixisadu waxay sii wadaan waxyeelada ay u geysanayaan hantida dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, waxayna hub u adeegsanayaan dadka rayidka ah. Waxaan amar ku siiyay hay’adaha ammaanka inay toogtaan oo ay dilaan iyadoo aan la siinin diginin.

Khudbadda ayuu Tokayev ku diiday baaqa beesha caalamka ee ah in dowladdiisu ay wada xaajood la furto kooxaha mudaaharaadaya. Waxa uuna sii waday, isagoo aan caddeymo keenin, sheegashada ah in kuwa mudaaharaadaya uu dal shisheeye soo tababaray soona abaabulay.

Waxa uu ku tilmaamay dibadbaxayaashu in ay yihiin burcad iyo argagixiso ay waajib tahay in la burburiyo, isaga oo ballan qaaday in sidaasi la sameyn doono dhowaan.

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo si degdeg ah ciidamo ugu soo diray ka dib codsi kaga yimid Tokayev, si ay ciidamadaasi gacan uga geystaan xakamaynta mudaaharaadyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshado ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Itoobiya & boqolaal qof oo la xirxiray

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay Shir heerkiisu sareeyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Raisul Wasaare Rooble oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---