Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Gobolka Banaadir oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in maanta uu is hortaag ku sameeyay in laamaha amaanka baaritaan ku sameeyaan deeq gargaar oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiye kuxigeenka amniga maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in Ra’isul Wasaare Rooble maanta u tago garoonka Aadan Cadde in is hortaag ku sameeyo in la baaro kartoono laga shakiyay oo Imaaraadka laga keenay.

Cali Yare ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble xiligan ahmiyad siinayo dhanka tacabka aduunyo, waxa uuna ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha in uu mashquul ku yahay kala furfuridda amniga dalka iyo dib-u-abaabulka qabyaaladda.

Waxaan ka xumahay in Maxamed Xuseen Rooble uu maalin Jimce ah Garoonka Aden Abdulle u yimaado sidii uu u hor istaago in laamaha amnigu baaritaan ku sameeyaan Kartoomo amnigu ka shakiyeen oo UAE ka yimid, waa arrin bulshada u caddeeneysa sida Maxamed Roble ahmiyadda u siinayo dhanka tacabka aduunyo iyo sida uu mashquul ugu yahay kala furfuridda amniga dalka iyo dib-u-abaabulka qabyaaladda” ayuu yiri guddomiye kuxigeenka amniga maamulka Gobolka Banaadir.
 
Hadalkan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili maanta Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya garoonka Aadan Cadde uga guddomay dowlada Imaaraadka deeq gargaar oo ugu tala gashay dadka abaaruhu saameeyeen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho oo dhaqaalo badan ka helay Mooshinka Jawaari

Cabdi Cade

Maxaa kasoo baxay kulan Madaxweyne Xasan la qaatay Siyaasiyiin qorshihiisa diidan ?

Cabdi Cade

Boqolaal arday ka qelin jebisay Jaamacadda Banadir oo shahaadooyin la gudoonsiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali