Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen ugu mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta oo maanta Muqdisho kasoo dejisay deeq gargaar oo loogu tala galay dadka abaaruhu saameeyeen.
Musharaxiinta ayaa sidii kale boggaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble dadaalka uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii u dambeeyay la xumeeyay ee Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.