Allbanaadir.com
NEWS

Daacish oo soo bandhigtay Muuqaalka dil ay shalay ka geesteen Muqdisho

Wakaalada Wararka u faafisa kooxda Daacish ee Acmaq ayaa baahisay muuqaal laga duubay dil shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgooska Afarta Darjiino loogu geestay labo askari oo katirsanaa Ciidanka Minishiibiyada.

Muuqaalka ay soo bandhigtay kooxda Daacish ayaa waxaa ka muuqday nin biskoolad ku hubeesan oo tooganaya labo askari oo katirsan ciidanka Minishiibiyada kuwaa oo xiligaas canshuuro ka qaadayay Mooto bajaaj.

Raga hubeesan ee dilka geesanayay ayaa sidoo kale Muuqaal ka duubay sida uu dilku u dhacayay, waxaana Wakaalada Wararka ee Daacish sheegtay in ay kooxdooda dileen labo nin oo katirsanaa shaqaalaha Wasaarada Maaliyada.

Kooxda Daacish ayaa marar badan dilal ka geesatay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kooxdan ayaaan dadka ay dilayaan ka duuba muuqaalo argagax leh, waxaana dilalkan cabsi hor leh ku beereen dadka Muqdsho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Qadar oo Imaaraadka kaga Guueleysan rabta Siyaasada Soomaaliya

Cabdi Cade

Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo qarax lala eegtay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Mareykanka oo Ciidamo cusub usoo diraya Soomaaliya iyo Tirada ciidankaasi oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---