Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Goob ay joogtay Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka oo bam laga helay

Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka ee Kamala Harris ayaa deg deg loogala cararay Xarunta Xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada Washington, kaddib markii meel u dhow laga helay bam macmal.

Booliiska caasimadda ee Capitol Police ayaa bamka baaris ku bilaabay, sida uu shaaciyey telefishinka CNN

Dhacdadani waxay ahayd 6dii Janaayo 2021. kamala Harris ayaana ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aalo ku saabsan goobta lagala cararay markii ay warfidiyeenku ku waydiiyeen Aqalka Cad oo la geeyey.

Kaliya waxay inay meesha u joogtey kulan ay la laheyd Guddi Hoosaadka Sirdoonka golaha Senetka.

“Waan tegey, balse waxaan markiiba bilaabay inaan ka welwelo dadkii ila shaqaynayey iyo howlwadeenadii oo ku khasbanaaday inay dhufays ka dhigtaan miisaskii iyo armaajooyinka” ayay tiri Harris.

Halista bambo ee xarunta Xisbiga dimoqraadiga ayaa meesha laga saaray wax yar ka dib, iyadoo Nin la tuhunsan yahay uu labo bambo oo macmal ah kala dhigay labada xarumood ee xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga kaasoo aan weli gacanta lagu dhigin iyadoo FBI ay balanqaaday 100 kun oo dollar qofkii keena xog sahli karta qabashada ninkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo amar dhanka amaanka ah bixiyay iyo Sababta loo ceyriyay Haweeney u shaqaysa …

admin

Weerar dhimasho badan geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qunsuliyada Ruushka ee Marseille oo la weeraray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---