Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo ka hadashay shirka Golaha Wadatashiga oo maalintii afraad soo gebagboobay

Waxaa soo gabagaboobay maalintii afaraad Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, iyadoo aanay weli Madaxda is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay ee arrimaha Amniga iyo doorashada.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somalia C/raxmaan Al-Cadaalada ayaa sheegay in shirka maanta la isku weydaarsaday doodo kala duwan uuna sii socon doono.

“Waxay madaxdu ka arrinsanayaan qodobbada ajandaha shirka  oo sii socon doona inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka”

Shirka ayaa gelinkii hore ee maanta waxaa uu qarka u fuulay in lagu kala tago, markii dooduhu adkaadeen.

Marxalada uu maanta galay shirka ayaa ahaa tii ugu adkeyd, waxaana berri oo jimco ah Madaxdu ay galayaan fasax, iyadoo habeen dambe la isku soo laaban doono.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deberani ayaa sheegay in shirka uu jawi xasilloon ku soo dhamaaday, ayna jiri doonaan kulamo gaar gaar ah oo caawa illaa berri Madaxda yeelan doonaan si ay isugu qanciyaan Xalinta qodobada muhiimka ah si uu shirka uu guuleysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saaxiibo isla cabi jiray Xashiishka kana tirsanaa Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Madaxweyne Yoweri Museveni oo qaaday Xayiraado uu horey dalkiisa ugu soo rogay

Cabdi Cade

Madaale oo isaga oo qoslaya ku dhax lugeeyay Suuqa weyn ee Bakaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---