Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay weerar ka dhacay degaanka Gamboole

Ururka 4-aad guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada ayaa dagaal muddo kooban socday la galay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo degaankaas ku sugnaa

Sida uu xaqiijiyey Taliyaha guutada 16-aad Kumandoska Danab G/lle dhexe, Axmed Cabdillaahi Nuur Beeryare Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa malleeshiyada Al-Shabaab, halka qaar kalena ay ku dhaawaceen.

Taliyaha ayaa intaa ku daran in uu howlaglkani yahay mid lagu ciribtirayo wax uu ku tilmaamay haraadiga Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Markab ay saaran yihiin kumanaan dalxiise oo Coronavirus uu ka dilaacay

Caydiid Ali

Sawirro” Ciidamada Ruushka oo kusii siqaya magaalada Kyiv iyo Dayax Gacmeed Sawirro ka qaaday

Cabdi Cade

Dad badan oo ku dhintay qaraxii garoonka Kabul & Taliban oo War soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---