Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan Faadumo Geeddi oo la ganaaxay kadib markii Xildhibaano u qeybisay Nacnac

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa laga mamnuucay in hal fadhi kasoo qeyb gasho xildhibaanad Faadumo Geedi oo katirsan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa lagu eedeeyay in xildhibaanada Kenya xarunta gudihiisa ugu qeybisay nanac qoray, si ay Xildhibaanada uga helaan sonkor iyo tamar maadaama saacado badan doodayeen.

Waxa ay sheegtay xildhibaan Faadumo in ay go’aansatay in xildhibaanada u qeybiso nac nac , waxa ayna sababta ku sheegtay in heerka sokorta ee xildhibaannada ay hoos u dhacay sidaasna nacnaca ugu qeybisay.

Guddonka Baarlamaanka dalka Kenya ayaana go’aamiyay in xildhibaan Faadumo Geedi fadhiyada baarlamaanka laga mamnuuco hal kulan, waxaa sidoo kale labo kulan fadhiyada baarlamaanka laga mamnuucay xildhibaan Ndindi Nyoro oo eedeymo u jeediyay Faadumo.

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa doodo adga ka lahaa isbeddello oo lagu sameynayo hindise sharciyeedka axsaabta siyaasadeed, waxaana xildhibaanada kala taabacsan yihiin Musharax Ra’ila Odinga iyo William Ruto oo tartan adag la galaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=nCbqCK1H4B0

Related posts

Shir Amniga looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho iyo Taliye Firin oo amar siiyay Booliiska

Cabdi Cade

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Toronto iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Nin beeraleey ah oo adeegsaday calaamada suulka oo lagu ganaaxay lacag badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---