Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo xabsi ku gurtay kumanaan qof oo laga soo tarxiilay Sacuudiga (Sababta)

Sida ay sheegeyso warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch dowlada Itoobiya ayaa si aan sharciga waafaqsanayn u xiray kumannaan qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigray oo dhawaan laga soo tarxiilay Sacuudiga.

Kumannaan Itoobiyaan ah oo intooda badan kasoo jeeda gobollada Tigreega iyo Axmaarada ayaa sanad kasta si sharci darro ah ugu socdaala dalka Sacuudiga, iyaga oo sii mara dalka Yemen si ay u helaan nolol dhaanta tan ay ku suganyihiin, balse mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa masaafuriyay kumannaan ka mid ah dadkaasi sanadihii lasoo dhaafay.

Warbixintii ugu dambeysay ee colaadda Itoobiya oo soo xiganeysa dad goobjoogayaal ah ayaa ku tilmaamay xarig wadareedyo loo geystay qowmiyada Tigrayga.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay beegsaneyso dadka looga shakisan yahay inay taageerayaan ciidamada Tigrayee dagaalka kula jiray dowladda tan iyo bishii November 2020, balse dib ugu laabtay gobolkooda toddobaadyo ka hor.

“Muhaajiriinta Tigreega ah ee tacadiyada xun kala kulmay xabsiga Sacuudiga ayaa lagu xirayaa xarumaha lagu hayo marka ay ku laabtaan Itoobiya” ayey tiri Nadia Hardman, oo ah cilmi-baare xuquuqda qaxootiga iyo muhaajiriinta, kana tirsan Human Rights Watch

Nadia ayaa ugu baaqday Sacuudiga inay ilaaliyaan xaquuqda dadkan, isla markaana ay joojiyaan tarxiilkooda, taa beddelkeedana ay caawiyaan wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga si ay u helaan ilaalin caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia & wafdi uu horkacayo oo gaaray Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsade caawa lagu toogtay Boosaaso & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

SSC Khaatumo oo ka Warbixisay khasaaraha duqeyntii shalay ka dhacday Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---