Allbanaadir.com
NEWS

Guddi uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble oo lacago u qeybiyay Dowlad goboleedyada

Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar  lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen  ku wareejiyay   Dowlad-goboleedyada dalka .Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa  ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwad ka dhan ah Jarmalka oo hub ku taageeray Israel oo loo gudbiyay Maxkamadda ICJ

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Saciid Deni uguna baaqay in si Shuruud la’aan ah..

Cabdi Cade

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---