Allbanaadir.com
NEWS

Golaha wadatashiga qaran oo kulan la yeeshay Wakiilo ka socday Ururada Bulshada (Sawirro)

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed .

Kulankan dhax maray Golaha wadatashiga qaran iyo bulshada rayidka ayey labada waxa ay uga wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo sidii loo sixi lahaa qaladaadka doorashada ka jira.

Golaha wadatashiga qaran ayaa bulshada rayidka ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo shirka golaha wadatashiga qaran ee maalmahan ka socday Muqdisho, waxaana gabagabada shirka la filayaa in laga soo saaro habraac doorasho cusub iyo qodobada ay golaha wadatashiga qaran ku heshiiyeen.

https://youtu.be/dXPvwbhVh1s

Related posts

Subaxaanallah: Xaaskiisa oo dhimatay ayuu sheegtaa inuu kusoo nooleystay lacag dhan $3000 (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo amar ku soo rogtay Bankiyada lacagaha loo dhexmariyo Al-shabaab

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Sochi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---