Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faah Faahino kasoo baxaya dagaal dhax maray Dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo Daacish

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geestay uu dhulka buuraleyda ee gobolkaasi ku dhax maray dagaalyahano ka kala tirsan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

Dagaalyahanada labada koox ayaa la sheegay in si kedis ah ugu kulmeen tog kuyaala buuraleyda Cal-miskaad , waxaana halkaasi ku dhax maray dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen rasaasta labada dhinac isku adeegsanayeen, waxa ayna ka gaabsadeen dadku in ay sheegaan khasaaraha labada dhinac dagaalka kasoo gaaray.

Al Shabaab iyo Daacish ayaa marar badan ku dagaalamay deegaano kuyaala buuraha gobolka Bari halkaas ay fariisimo ku leeyihiin, labadan kooxood oo dagaal kula jira Puntland ayaa hadana iyaga dhaxdooda waxaa dhax mara dagaal .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dXPvwbhVh1s

Related posts

In ka badan 160 qof oo muhaajiriin Soomaaliyeed ahaa oo dalka lagu soo celiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin dilay xaaskiisa iyo nin kale oo garab ku siiyay oo xukun dil ah lagu riday

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Qardho u jooga xalinta dhibaato sanado badan soo jiitameysay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---