Allbanaadir.com
NEWS

Hantidii uu lahaa Yaxya Jammeh oo la xaraashayo iyo Sababta ka dambeysa

Dowlada Gambia ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku xaraashto dhamaan hantida uu leeyahay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Yaxya Jammeh oo dalkaasi horey uga baxsaday.

Hantida uu leeyahay Madaxweynihii hore ee dalka Gambia ee hada dowlada gacanta ku heyso ayaa waxaa kamid ah Shan diyaaradood oo nuuca raaxada ah iyo in ka badan 30 baabuur oo iyana nuuca raaxada ah.

Madaxweynihii hore ee Gambia ayaa sidoo kale hantida uu ka tagay waxaa kamid ah guryo iyo dhulal badan, waxaana dhamaan hantidaasi hada gacanta ku heysa dowlada Gambia oo dooneysa in ay xaraashto.

Dowladda Gambia ayaa sheegtay inay ku rajo wayn tahay in lacago maalaayin dollar ah ay ka hesho hantidii uu lahaa Yaxye Jammeh sii ay ugu maalgeliso dhisitaanka Iskuulo iyo isbitaalo.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda maaliyadda dalkaasi ayaa sheegay in dowladda hadda ay samaynayso Website gaar ah oo loogu talagalay xayaysiinta hantida Yaxye Jammeh sii loo xaraasho.

Yaxye Jammeh ayaa sanado badan hayay talada dalka Gambia, waxaana Madaxweynaha uu dalkaasi isaga cararay kadib markii uu ka biyo diiday natiijada doorasho looga guuleestay, hasa ahaatee Yaxye ayaa lagu qasbay in uu dalka isaga cararo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shaakir oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Carro xoog leh oo ka dhalatay hadal uu nin Wasiir ah ku yiri gabar Muslimad ah

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade