Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Faahfaahin: Iska horimaad Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal Khasaare geystay oo maanta magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DF

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen Ciidamo ka tirsan kuwa GorGor iyo Ciidanka Booliiska ee ilaaliya xarunta degmada iyo baraha koontarool ee ku dhaw.

Dagaalka oo socday muddo ku dhaw toban daqiiqo ayaa ka dhashay askari cabsan oo xabsiga loo taxaabay.

Sida Wararku sheegayaan qof shacab ah ayaa ku dhintay iska horimaadkan halka 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dagaalamay ay ku dhaawacmeen.

“Askari cabsan oo la xiray ayaa sababay iska-hor-imaad sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca 5 askari sida aan ku helayno Xogta ka imaanaysa magaalada Dh-Mareeb, waa dhacdo xanuun badan oo u baahan isla xisaabtan” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi Wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo ka hadlay dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo adkeeyay xaquuqda Shacabka ee helida biyo nadiif ah iyo koronto raqiis ah

Cabdi Cade

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Cadeeyay in uusan ku farxin guushii William Ruto

Cabdi Cade

COVID-19: Argagax ka taagan Maraykanka & dhimashada oo tiro beeshay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---