Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Iran oo ku hanjabtay Weerar aargudasho ah hadii aan maxkamad lasoo taagin Trump

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, oo ka hadlayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii Maraykanku u geystay Jeneraal Qasem Soleimani, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ay waajib ku tahay inuu wajaho maxkamad ku saabsan dilkaas.

Iran iyo kooxaha xulafada la ah ee Ciraaq iyo waddamo kale ayaa sameeyay munaasabado lagu maamuusayo Soleimani oo ahaa taliyaha ciidamada Quds, garabka dibadda ee ilaalada Kacaanka ee ciidanka Iran.

Waxaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn January 3, 2020 oo ka dhacay waddanka Ciraaq, kaas oo uu amray madaxweyne Trump.

“Haddii Trump iyo (Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mike) Pompeo aan maxkamad caddaalad ah lagu soo taagin fal dambiyeedka lagu dilay General Soleimani, Muslimiintu waxay qaadi doonaan aargudasho shahiidnimo ah,” ayuu Raisi ku yiri hadal uu jeediyay Isniintii.

“Qofka gardaran, gacan ku dhiiglaha iyo dambiilaha ugu weyn – waa madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas – waa in maxkamad la soo taago oo lagu xukumo sharciga (Islaamka) ee qisaasta ah, xukunka Allena waa in lagu fuliyaa isaga,” ayuu Raisi ku daray.

Saraakiisha garsoorka Iran ayaa la xiriiray mas’uuliyiin ka tirsan sagaal waddan kadib markii ay magacaaben 127 tuhunsane oo ay ku jiraan 74 u dhashay Mareykanka oo ku lug lahaa kiiskan, waxaana liiskan ugu horreeya Donald Trump, sida uu sheegay dacwad oogaha guud ee dalka Iran Mohammad Jafar Montazeri.

Maalmo ka dib markii uu dhacay dilka Jeneraal Qasem Soleimani, Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay u sheegay in dilkasi uu ahaa mid isdifaac ah. Xeer Ilaaliyahii Guud ee Maraykanka William Barr ayaa sheegay in Trump uu si cad u leeyahay awoodda uu ku dili karo Soleimani, Jeneraalkuna uu ahaa “bartilmaameed militari oo sharci ah”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka oo degaano hor leh kala wareegay Al-shabaab, kuna wajahan..

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay guddi ka shaqeeya howlaha gurmadka Qaraxyadii Soobe

Cabdi Cade

Mashaariic kala duwan oo laga hirgalinayo magaalada Baraawe oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---