Allbanaadir.com
NEWS

Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada oo la kulmay Midowga Musharaxiinta (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ay wehliyaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta .

Kulankan ee yeesheen golaha wadatashiga qaran iyo midowga musharaxiinta ayaa looga wada hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Golaha midowga musharaxiinta ayaana u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada tabashooyin ay ka qabaan doorashada sida ay ku bilaabatay , iyagoona siiyay talooyin lagu sixi karo tabashooyinka jira.

Golaha wasatashiga qaran oo Muqdisho uga furmay shir diirada lagu saarayo amniga dalka iyo dardargelinta doorashooyinka, ayaa sidoo kale wada kulamo ay la yeelanayaan wakiilada beesha caalamka iyo saamileyda siyaasadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha Jubbaland uga mid noqonaya Guddiyada doorashada oo la Magaacabay (Akhriso)

Caydiid Ali

Warbaahinta & baraha bulshada oo qoraalo lagu dhaleecaynayo Ra’iisal Wasaare Khayre lagu soo fasaxay!!

admin

Magacyada iyo Sawiradda Saraakiishii galabta lagu laayey duleedka degmada Guriceel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---