Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiir hore oo looga shakiyay Falal argagaxiso oo xabsi la dhigay kana soomay cuntada

Ciidamada amaanka dalka Tunuusiya ayaa xabsiga dhigay wasiirkii hore ee arrimaha cadaaladda ee dalkaas Noureddine Bhiri , oo looga shakiyay falal argagaxiso oo ka dhan ah nabad gelyada dalka.

Wasaarada arrimaha gudaha dalka Tunuusiya ayaa sheegtay in la xiray wasiirkii hore ee cadaaladda dalkaasi oo lagu tuhmay falal argagaxiso, waxa ayna wasaaradda arimaha gudaha sheegtay in ay socdaan baaritaano kiiskan ku aadan.

Wasiirka arrimaha gudaha Taoufik Charfeddine oo warbaahinta la hadlay ayaa shalay sheegay inay jiraan warbixinno soo gaaray oo lala xiriira falal argagixisinimo oo lagu tuhmay wasiirka ,taa uu sheegay in ay ku qasabtay in talaabo deg deg ah qaadaan.

Noureddine Bhiri oo ka tirsan xisbiga Ennahdha, ayaa la sheegay in markii la xiray kadib uu cuntada ka soomay, waxaa sidoo kale la sheegay in masuulkan oo la geeyay isbitaal uu diiday in uu qaato daawooyin loo qoray.

Xisbiga Ennahdha, oo katirsan yahay wasiirkii hore ee cadaaladda ee la xiray ayaa khilaaf xoogan waxa uu kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Tunuusiya Kais Saied, oo horey shaqada uga joojiyay Ra’isul Wasaarihii dalkaasi sidoo kale kala diray Baarlamaanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

“Sawirro” Ciidamo huwan ah oo la wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji iyo Axmed Madoobe oo…

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka ee howlgala Somalia oo Maxkamad la soo taagay

Caydiid Ali

Lauren Boebert oo ugu dambeyn raaligelin siisay Xildhibaan Ilhaan Cumar & Muslimiinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---