Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shirka golaha wadatashiga qaran ay ka qeyb galayaan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada.
Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa amniga dalka iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee bilaabatay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horey isugu dayay fashilinta shirkan golaha wadatashiga uga furmay Muqdisho, waxaana wakiilada beesha caalamka ku cadaadiyeen madaxda maamulada qaar oo diidanaa shirkan in ay ka qeyb galaan.
Sida aan xoggo lagu kalsoonaan karo ku helnay Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale isku dayaya fasgilinta shirka golaha wadatashiga qaran uu u arko qodobada kasoo bixi kara kuwa kahor imaanaya hankiisa siyaasadeed iyo in mar kale dalkan maamulo.
Farmaajo ayaana ku cadaadinaya madaxda dowlad goboleeedyada taageersan in ay kahor yimaadaan qodobada qaar ee shirka lagu soo bandhigayo sida qodobka laga yaabo in looga doodo ee ku aadan in doorashada lagu soo koobo min hal magaalo.
Inta badan madaxda maamulada ayaa raba in doorashada hal magaalo ka dhacdo balse madaxda maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyaga dantooda kahor mariyay raali gelinta Madaxweyne Farmaajo oo iyaga meesha keenay.
Beesha Caalamka ayaa ku cadaadineysa madaxda dowlad goboleedyada in go’aano wax ku ool ah oo lagu dhaqaajin karo doorashada bilaabatay soo saaraan si ay dhankooda dhaqaale ugu taageeraan doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com