Allbanaadir.com
NEWS

Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Kenya iyo booliiska

Dagaalyahano hubeesan oo loo maleenayo in ay katirsan yihiin  Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Widhu oo hoos taga Magaalo Xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarkan dableyda hubeesan fuliyeen ayaa la sheegay in lagu dilay ilaa lix qof oo ku sugnaa deegaanka Widhu, dadka la dilay qaarkood ayaa la sheegay in la gubay halka kuwa kalana la gowracay.

Booliiska Kenya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dableyda hubeesan dad shacab ah dileen sidoo kale gubeen guryo kuyaala deegaanka ay weerarka ka fuliyeen, waxa ayna booliiska xuseen in dableyda weerarka fulisay katirsan yihiin Al Shabaab.

Ciidamada amaanka dalka Kenya oo gaaray deegaanka weerarku ka dhacay ayaa halkaasi ka bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan dableydii ka dambeesay weerarka dadka badan lagu dilay ee ka dhacay Lamu.

Al Shabaab ayaana wali ka hadlin weerarkan ka dhacay dalka Kenya ee lagu eedeeyay, waxaana Al Shabaab horey weeraro badan oo khasaaro kala duwan dhaliyay ka geesteen gudaha Kenya gaar ahana dhul xeebeedka Lamu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WGbjgeFMy1c

Related posts

Nin Al-Shabaab ka tirsanaa 13 sano oo isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Saraakiil katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Dayurad Milateri oo Madaxweyne Laftagareen ka qaaday Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---