Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Caro iyo hadal heyn ka dhalatay Sawir laga qaaday wasiir Pakistan ah iyo safiir Sucuudi ah !

Hadal heyn iyo caro xoogan oo dhinaca baraha bulshada ayaa ka dhalatay sawir laga qaaday kulan dhax maray wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi iyo safiirka Sacuudiga u fadhiya Pakistan Nawaf bin Saeed Al-Malki.

Muuqaal iyo sawir laga soo qaaday kulanka dhax maray Wasiirka Pakistan u dhashay iyo safiirka Sacuudiga ayaa laga arkayay wasiir Shah Mehmood oo kursi ku fadhiya isaga oo labada lug isa saartay lugtiisana aadiyay dhinaca uu fadhiyay safiirka Sacuudiga.

Wasiirka ayaana lagu eedeeyay in ixtaraam daro u muujiyay safiirka Sacuudiga u jooga Pakistan , waxaana sawirka laga qaaday kulankan oo lagu baahiyay baraha bulshada ka dhashay falcelino badan oo ka imaanayay dad kasoo jeeday Pakistan iyo Sacuudiga.

Dadka aragtiyada ka dhiibtay ficilka ayaa qaarkood tilmaameen in hab dhaqanka Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan ay tahay wax laga xishoodo oo ixtiraam-la’aan ah kana baxsan dhaqan diblumaasiyadda.

“Dhaqanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga uu lugihiisa isku dul saaray xilli uu hor fadhiyay Safiirka Sacuudigu waa wax aan la aqbali karin gebi ahaanba, waxaa aadaabta Islaamka kamid ah in la la ixtiraamo qofka martida kuu ah” ayuu yiri General Cabdul Caziz Othman Altwijri, oo ah Agaasimihii hore ee Hay’adda Islaamka ee arrimaha Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka Adduunka.

Inta badan dadkii aragtiyada ka dhiibtay ficilka uu ku kacay wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan ayaa ku dhaliilay wasiirka kana raali galiyay ficilkaasi safiirka iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WGbjgeFMy1c

Related posts

Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari oo caawa isku day cusub ka wada Muqdisho

Caydiid Ali

Imaam Masjid oo bad baadiyay Nolosha Boqolaal Masiixiyiin ah oo la doonayay in la dilo

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Saacado kadib ka hadlay Dilka Madaxweynihii Chad

Cabdi Cade