Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo maanta laga soo dejiyay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan dowlada.

Soomaalida laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ayaa tiradooda gaareysay 83-qof, waxaana dadkan afar kamid ah ahaayeen dumarka halka inta kalana ay ahaayeen rag u badnaa dhalinyaro.

Sida aan Wararka ku heleyno Soomaalidan laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa isugu jiray kuwa dalkaasi sharci daro ku joogay iyo sidoo kale kuwa iyana dambiyo kala duwan ka galay dalka Mareykanka.

Dalka Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay laga soo tarxiilay Soomaali badan oo dalkaasi ku noolaa, waxaa sidoo kale wali xabsiyada dalka Mareykanka ku jira Soomaali badan oo iyana laga yaabo in Soomaaliya loo soo tarxiilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warar is diidan oo kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal

Cabdi Cade

Mogadisho Book Fair. Mahruuc Shisheeye mise bandhig Buugaag ?!!

Cabdi Cade

Qarax oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---