Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay xumbo maanta lagu arkay xeebta Liido

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamuud Shiikh Cabdullaahi oo ayaa ka hadlay xumbo la moodo buuro baraf ah oo lagu arkay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho taasoo dad badan walaac ku abuurtay.

Agaasimaha ayaa sheegay in Xumbo badeedka  ay keento isbeddalka Cimilada iyo Saliidda ay iska baddalaan doomaha ee ay ku shuban badda. Sidoo kale Qashinka ayuu sheegay inuu sababo taasoo ugu danbeyn dhalisa in baddu ay soo tufto Xumbo wasaqeysan oo khatar caafimaad leh.

“Hadii aad koob dhalo ah ku shubto biyaha badda kadibna aad ruxdo waxad arkaysa xumbo iyo boodbodka biyaha, sababtuna waa in ay biyaha baddu yihiin curiyayaal iyo madooyin is ku tagay” ayuu intaas ku daray agaasimaha

Haddaba waa maxay xumbo badeed

Waxa ay xumbo baddedu abuuranta marka ” dissolved Organic matter in the ocean churned up. Marka organic matter (waxa ka mid ah curiyashan  carbohydrates, lipids, proteins and nucleic acid ) kuwas oo saaid iskugu qasmay sababta oo ah hirarka badda ayaa xoog u kacsan. (The sea was churned up by heavy winds) .

Xayaabo baddeda  (Algae blooms) ayaa ah kan ugu samayta xun  kadib marka  organic matter badan oo xayaabo badddu ka qariso oxygen ka waxa ka dhex abuurma xumbo kadibna furka tuurata ilaa xeebta.

Samayska ka xunbadu way ku kala duwanyihiin badduhu. Waxa run ah in aysan sun ahayn ama dhib u gaysan karin aadamaha marka laga reebo xumbo uu abuuray xayaabo baddeda sunta ah kaasoo sababi karta dadka ”Asmada iyo foodho xanuunka qaba ay dhib u gaysato.”  Badana waaba lo dabaal iyo damashaad tagaa.

Meelaha ugu badan ee xumbaddan lagu arko waa badweynta ”Pacific Ocean”  Kan ugu danbeyey wuxu ah kii San Francisco ugu badna ee ka dhaca. Dabecadaha badda ayaa ah in qofka aan u kuurgalin uu ku argagaxo amase mucjiso u arko.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne caan ah oo dalbaday Daawo dhireed uu sheegay in lagu daweyn karo Caronavirus !!

Cabdi Cade

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaal iyo qaraxyo ka dhacay Qooqaani

Caydiid Ali

Anthony Mbele Munyasya oo baxsad ah & Booliska Kenya oo baadi goobaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---