Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Arrin cusub oo lagu arkay xeebta Liido iyo cabsi badan oo laga muujiyey

Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka lagu arkay xumbo buuro ka sameysan oo biyaha badda ka dhashay.

Dadka halkaas ku sugan iyo kuwa meheradaha ganacsi ku leh ayaa sheegaya in xumbadan ay tahay wax ku cusub xeebta oo aan horey loogu arki jirin.

Qaar kale oo dadka ka mid ah ayaa sheegaya in xumbadan ay leedahay Cun-cun haddii qofka jirkiisa ay gaarto, taasoo dhalisay walaac badan iyo in dadku ay ka fogaadaan biyaha xeebta.

Sidoo kale, arrintan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadkii maalin walba xeebta liido ku dabaalan jiray oo saaka ka baqay Badda markii ay arkeen xumbada tuban xeebta.

Weli lama sababta arrintan keentay inkastoo fasiraado kala duwan laga bixiyey, dadka qaar ayaa ku tilmaamay iney tahay mucjiso, halka qaar kalena ay sheegayaan iney xumbadan ka dhalatay sun iyo waxyaabo kiimiko ah oo ay badda ku daadiyeen maraakiibta shisheeye, iyadoo Heyadaha dowlada ee qaabilsan arrimaha badda aysan weli ka hadlin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaaradaha Reer Galbeedka oo halis ku wajahayso garoonka Kabul iyo Diyaarad Milataro oo…

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka qarxay Garawe iyo Puntland oo eedeesay DF

Cabdi Cade

Khasaaraha dhimasho ee qaraxii Beirut oo sii kordhay & Dad badan oo weli la la’yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---