Allbanaadir.com
NEWS

Taageerayaal buux dhaafiyey hoyga uu laacibka Max’ed Saalax ka degan yahay Qaahira (Daawo Sawirro)

Taageerayaal fara badan ayaa Buux dhaafiyey hoyga uu degan yahay laacibka reer Masar ee Mohamed Saalax ee magaalada Qaahira ka dib markii uu dib ugu laabtay dalkiisa.

Warka ku saabsan soo laabashada laacibka oo qabsaday Baraha bulshada ayaa keentay in Gurigiisa ay boqolaal qof tagaan, iyagoo doonaya inay arkaan oo ay sawiro la galaan ciyaaryahanka xulka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah.

Markii ay dadkii sii kordheen ayaa la sheegay inay arrinta soo farageliyeen ciidamada Amniga, waxaana Guriga Maxamed Saalax la geeyay Boolis si ay ammaankiisa  ilaaliyaan, ugana hortagaan in xaaladda faraha ka baxdo.

Ciidamada Booliska Masar ayaa kala dhex galay dadka isugu soo baxay Guriga Maxamed Saalah iyo ciyaaryahanka, waxaana arkayey iyadoo dad fara badan ay isugu tagaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsan Maamulka Hirshabelle iyo ilaalo la socotay oo Weerar lagu dilay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in ay xayirtay 35-Milyan Dollar oo loogu deeqay Maamulka ….

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo kulankii u horeeyey la la qaatay Maamulada degmooyinka Xamar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---