Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Laftgareen iyo wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Laftagareen ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka Aadan Cabdulle Wasiiro ka tirsan DF iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xaqijiyey inuu ka qeyb galayo shirka golaha wadatashiga ee uu ku baaqay Rooble.

Laftagareen ayaa horey u diiday ka qeyb galka shirkaas, ka dib khilaaf soo kala dhex galay madaxda sare ee dalka wuxuuna sheegat inuu ka qeyb galayo shir kale oo uu ku baaqay Farmaajo oo saaxiib dhow la ah.

Hase ahaatee Laftagareen ayaa mowqifkiisa bedelay ka dib cadaadis xoog leh oo kaga yimid beesha caalamka, isagoo haatan ku biiraya madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland, Hirshabelle iyo Galmudug oo horey ugu sugnaa Muqdisho.

Related posts

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Gobsho (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi Caan ah oo Su’aalo ka keenay Qoraal lagu daabacay Websetka Shirkada Spectrum

Cabdi Cade

Baroor Diiq loo sameeyay Falastiiniyiin shalay lagu laayay Marinka Gaza (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---