Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hub lagu soo qabtay howlgal oo lagu soo bandhigay Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Ciidamada amniga Puntland ee Gobolka Mudug ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Gaalkacyo hub faro badan oo ay ku soo qab-qabteen hawlgalo kala duwan.

Goobta lagu soo bandhigayay hubka howlagalka lagu soo qabtay waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka mudug Muumin Cabdishire iyo xubno kale

Hubka ay ciidamada amaanka soo bandhigeen ayaa iskugu jiray qoryaha fudud, kuwa garabka laga rido iyo bambooyinka, Waxaana lagu soo qabtey hawl gaalo lagula dagaalamayey kooxa ka ganacsada Maandooriyaha.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in ay wadeen maalmihii danbo howl-gallo ka dhan ah maandooriyaha iyo kooxa dhaca ugeeysta dadka shacabka ah, kuwaa oo kusoo badanayay maalmihi danbo magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka hadlay munaasabada ayaa Bulshada uga digay qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka isagoo sheegay intaas oo marxaladood in loo aqoonsanyahay Argagixisada iyo cid kasta oo lagu arko, Gudoomiyaha ayaa Shacabka faray in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Stefano Manservis iyo Masuuliyiin katirsan dowlada oo galabta tagay Soobe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Faahfaahino kasoo baxaya dil loo geestay Cabdi Mahad Cabdullaahi iyo ninkii dilay oo …

Cabdi Cade

Weerar Diyaarad loo adeegsaday oo lagu qaaday Garoon kuyaala Sacuudiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---