Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabe Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Raisul Wasaarihii Hore ee Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.
Kulankaan dhax maray Madaxweyne Guudlaawe iyo Xasan Kheyre ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan dardargalinta arrimaha doorashooyinka ee dalka ka bilowday.
Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka xiligan ku jiro gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyi Rooble iyo shirka gollaha wadatashiga Qaran.
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2022/01/guud-1.jpg?resize=960%2C652&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2022/01/guud-2.jpg?resize=696%2C515&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2022/01/guud-3.jpg?resize=696%2C554&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2022/01/guud-4.jpg?resize=696%2C509&ssl=1)
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com