Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo ganaaxyo adag lagu riday

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ganaaxyo kala duwan oo adag ku riday lix xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Galmudug .

Xildhibaanadan ganaaxyada lagu riday ayaa lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka iyo dastuurka u qoran Baarlamaanka Galmudug sidoo kale ku dhaqaaqeen falal lidi ku ah fadhiyada Baarkamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaana lixdan xildhibaan ku ganaaxay in laga jaro mushaarka mudo labo bil ah iyo sidoo kale in aysan kasoo qeyb gali karin fadhiyada baarlamaanka afar fadhi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Somalia & Kenya oo heshiis cusub ku kala saxiixday Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo si gaar ah dalka dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho kusoo laabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay mid kamid ah Salaadiinta Beesha Habar Gidir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---