Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Cabdi Xaashi (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoygiisa uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah Cabdi Xaashi Cabdullahi .

Axmed Madoobe iyo Guddomiyaha Aqalka sare ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka iyo sidii loo saxi lahaa khaladaadka ka jira.

Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay shirka gollaha wadatashiga qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho iyo sidii shirkaasi u noqon lahaa mid mira dhalo oo kasoo baxaan qodobo dalka iyo dadka dan u ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka gollaha wadatashiga qaran ayaa kulamo la qaadanaya qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo masuuliyiin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Macawuusley ah oo loo diyaariyay Dagaalka Al Shabaab iyo Madax booqatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Baarlamanka Itoobiya oo go’aamiyey in xiriirka loo jaro Ismaamulka Tigray

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka shaqeynaya talaabo dab ku sii shidi karta khilaafka Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---