Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada oo ka hadashay Shirka Gollaha Wadatashiga ee ka dhacaya Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirka gollaha wadatashiga qaran ee yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in uu socda diyaar garowga shirka gollaha wadatashiga qaran uu xusay in looga arinsanayo dar dargalinta doorashada.

Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan, shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.
 
Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Jubbaland ayaa hada ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in beri Muqdisho soo gaaro madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hada u xayiran yahay qabsoomida shirka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Cusub oo kasoo kordhay Weerarkii Hotel Afrik iyo Janan oo sir culus banaanka keenay

Cabdi Cade

Barnaamij cusub oo lagula soconayo Imaamyada Masaajida Sacuudiga oo la sameenayo

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo bilaabaya arrin cusub & Xog ku aadan ujeedka laga leeyahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---