Allbanaadir.com
NEWS

Jabhada ONLF oo shaki ka muujisay sii deynta C/kariin Qalbi-dhagax oo u xirnaa Itoobiya

Jabhada ONLF ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii deynta Sarkaal ka tirsanaa oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kaasoo bishii September 2017-kii dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani ayaa sheegay in C/kariin uu ahaa siyaasi u xirnaa Itoobiya, uusana weli gelin xoriyad buuxda hadana uusan u qalmin in kolba meel lagu qariyo, muhiimna ay tahay in xoriyad dhameystiran la siiyo marba haddii la sii daayay.

Wuxuu sheegay in labaatan maalmood ka hor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, maxbuusna uusan aheyn sidoo kalena uusan xoriyad buuxda heysan, midaasina ay tahay wax aad looga xumaado.

“C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, sii deyn iyo heyn inuu u dhaxeeyo waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maalmood ka hor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.” ayuu yiri Afhayeen Hirmooge.

Wuxuu sheegay inay doonayaan C/kariin in la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo, isaga oo sidoo kale tilmaamay inaanay markale dooneyn in (Qalbi-dhagax) uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab dhulka la simay Magaalo dhan & Meydadka 100 qof oo laga helay (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo qabtay rag hubeysan oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Maxaa Keenay Isbeddelka Siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya – Maxaase Ka Socda Muqdisho?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---