Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

DEG DEG: Dagaal ka qarxay Beladweyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal ayaa Magaalada Baledweyne ka bilowday goor dhaw oo fiidnimadii ah iyadoo qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada laga maqlayo rasaasta hub noocyo kala duwan leh.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa u dhexeeyo ciidamo uu hogaaminayo sarkaal lagu magaabo Nuur Dheere oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamadii Badbaadada Hiiraan iyo ciidamo taabacan Maamulka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa xooggiisa waxaa uu ka socdaa xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne gaar ahaan laanta Shiikh Cali Bood, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Nuur Dheere ayaa horay ugu mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada la magac baxay Badbaadada Hiiraan oo magaalada Baledweyne ka hor istaagay safar xiligaas la qorsheynayay inuu magaalada ku tago madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray dib u howlgelinta Isbitaalka Sheekh Sayid (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Shirkadda Hormuud Telecom oo soo bandhigtay Deeq waxbarasho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---