Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho?

Madaxweynaha Jubbaland Mudane  Ahmed Mohamed Islaam, (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga arimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxaa saacad ka hor isna soo gaaray Muqdisho Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka qeyb galaya shirka Rooble, iyadoo horeyna ay magaalada u joogeen madaxda Galmudug iyo Hirshabelle Qoor-qoor iyo Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo war ka soo saartay baaritaan ay ku sameysay Meydka C/naasir Dahable

Caydiid Ali

Haween Soomaaliyeed oo ka laabtay xaflad aroos oo ku geeriyooday Bristol

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday rag katirsanaa Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---