Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Xijaar oo ciidanka booliiska uga digay in ay ku milmaan Siyaasadda

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo kulan la qaatay saraakiil katirsan booliiska ayaa kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo waajibaadka saaran ciidanka booliiska.

Jeneraal Xijaar ayaana u sheegay saraakiisha booliiska in dalku ku jiro xaalad kala guur ah ayna jiraan khilaafaad siyaasadeed, waxa uuna uga digay saraakiisha iyo ciidankaba in ay ku milmaan arrimaha siyaasada ee is diidan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka booliiska ay u xilsaaran yihiin ilaaliyaan arrimaha nabad-gelyada shacabka Soomaaliyeed, mas’uuliyadna ay ka saaran tahay doorashooyinka dalka, kuna ekaadaan amniga guud ee dalka.

” Mas’uuliyadeena koowaad waxaa waaye inaan ilaalino Amniga, Nafta, Maalka Shacabka Soomaaliyeed, inaan fulino rabitaanka Shacabka Soomaaoiyeed iyo waxaay xaq u leeyihiin, sidoo kale inaan dhowrno Odayga waayeelka ah l, Wiilka yar iyo midka Bajaaita ku Shaqeeysanaya ayuu yiri” Taliye Xijaar.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa faray saraakiisha ciidanka inay daadejiyaan awaamiirta kasoo baxda taliska sare loona dhega nuglaado, lana adkeeyo midnimada iyo wada jirka ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

Warkan kasoo yeeray taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa imaanaya xili dalka ka jiro khalalaase siyaasadeed oo ka dhashay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, waxaana shalay sidaan oo kale ciidanka milatariga digniin ugu diray Taliyaha ciidanka Xoogga Jen. Odawaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir iyo saraakiil tagay deegaan shalay Al Shabaab cashar loogu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Saaxiib dhow la noqday Shimbir uu u sama-falay xili xaalad adag ku jirtay !

Cabdi Cade

Xubno ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday degmada..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---