Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo xilka u kala wareejiyay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Cadaaladda (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirada cusub ee wasaaradda gaashaandhigga  iyo wasiirka cusub ee cadaaladda.

Rooble ayaana maanta xafiiskiisa xilka ugu kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaarada gaashaandhigga Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana kula dar daarmay wasiiraddan uu maanta xilka u kala wareejiyay in si deg deg ah uga howlgalaan wasaaradaha ay ku magacaaban yihiin si wanaagsana uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday.

Isbadalka Ra’isul Wasaare ku sameeyay labada wasiir ayaana salka ku hayay khilaafka soo kala dhax galay isaga iyo Farmaajo, waxa uuna Rooble Wasaarada gaashaandhigga u magacaabay nin aad ugu dhaw dhankiisa siyaasad ahaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Hirshabelle

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo shaacisay tirada Ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Jaamac Kabaweyne oo iska diiday xil loo magacaabay iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---