Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Balcad iyo Milatariga Soomaaliya oo guulo ka sheegtay

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar xoogan ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabaab.

Gacan ku heynta Degmada Balcad waxaa saacado kooban la wareegay kooxda Al Shabaab kadib markii ciidamada dowlada ee horey uga sugnaa degmadaasi ka baxeen, waxa ayna Al Shabaab howlgalo ka sameeyeen qeybo kamid ah degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab ku arkayeen xaafado katirsan degmada Balcad, waxaana Al Shabaab markii dambe isaga baxeen degmadaasi kadib markii ciidanka dowlada oo gurmad helay dib usoo rogaal celiyeen.

Dagaalka ka dhacay Balcad ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmadaasi.

Taliska ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa guul ka sheegtay dagaalka ka dhacay Balcad, waxa ayna sheegeen taliska milatariga in Al Shabaab ka dileen 9-dagaalyahan kuwa kalana ay ka dhaawaceen.

Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen Balcad, waxa ayna sheegeen in ay kula wareegeen degmada sidoo kale ay khasaaro gaarsiiyeen ciidanka milatariga ayna ku qabsadeen gaadiid iyo agab kale.

Ciidamo badan oo gurmad ah iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Balcad kuwaa oo u kuur galaya xaalada degmadaasi iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=LF6NY7kPHTg

Related posts

Dowlada Somalia oo qorshe cusub ka bilowday Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoorqoor oo dhagax dhigay dhismaha 11 Wado

Caydiid Ali

Musharaxiinta Mucaaradka oo Isbadal siyaasadeed ku yimid iyo kulamo Xasaasi ah oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---