Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Yaasiin Farey: “Ma jirto wax nagu kallifaya inaan xaaladda Roobow ka been sheegno”

Ku simaha agaasimaha hay’adda Nabadsuggidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey ayaa dhinciisa beeniyay hadal ay ehelada Mukhtaar Rooboow ku sheegeen in warbixinta uu kasoo saaray xaaladdiisa ay tahay mid aan sax aheyn.

Yaasiin Farey ayaa VOA u sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku suganyahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu suganyahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Isagoo ka hadlayay kuwa ay yihiin shuruudaha aanu buuxiin Mukhtaar Rooboow, waxa uu Gashaanle Sare Yaasiin Farey sheegay “In haddii qofka la wanaajiyo aysan ka dhigneyn inuu shuruudaha uu wada buuxiyay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan hadda Mukhtaar Rooboow aysan u heynin arrimo siyaasadeed, balse loo hayo amnigiisa iyo ilaalinta amniga dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu sheegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey in Mukhtaar Rooboow oo la siidaayo ay ku xirantahay isaga iyo dowladda guud, sida uu hadalka u dhigay.

Ehelada Mukhtaar Robow, ku xigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab oo muddo saddex sano ah u xirnan dowladda Soomaaliya ayaa beeniyey hadal kasoo baxay ku simaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Yaasiin Farey oo ka jawaabayay dalab la xiriiray xaaladda Rooboow uu uga yimid wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Maxmed Nuur ayaa jawaabtiisa ku sheegay in Roobow uu halis ku yahay bulshada iyo inay si joogto ah ugu yimaadaan, soona boqodaan qoyskiisa, xaaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbado.

Xigasho:VOA

Related posts

Laftagareen oo xariga ka jaray wadada gasha Garoonka dayuuradaha Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

Galmudug oo ka jawaabtay hadal ay shalay soo saareen Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Jen. Townsend: “Caqabada ugu weyn ee haatan ka jirta Somalia waa muddo kororsiga”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---