Nabad sugidda Maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo waxay ku soo bandhigeen 12 dhallinyaro oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ku sugnaa goobta raggaasi lagu soo bandhigayey ayaa waxay sheegeen in raggan ay Ciidamadooda isku-soo dhiibeen 12 dhalinyarada u badan ka dib culeysyo badan oo a kaga yimid ciidamada Xoogga dalka iyo ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland sida ay yiraahdeen.
Inta badan raggan waxaa la sheegay iney ka yimaadeen degaanada maalmihii la soo dhaafay ay xiisadaha dagaal ka taagnaayeen oo uu ka mid yahay Baar-sanguuni iyo meelo kale oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com