Allbanaadir.com
NEWS

Waddo xiriirisa sadex degmo oo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha wadada xiriirisa Degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne oo uu maamulka gobolka Banaadir dib udhis ku sameeyay.

Wadadan uu xariga ka jaray duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxa ay isku xirtaa Isgooska Shabeele ilaa isbitaalka Martiini, waxa ayna soo hormartaa xarunta Beerta Nabada iyo Biyaasa Liibaro.

Dhismaha wadadan ayaa dhaqaalaha ku baxay waxaa iska kaashaday maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada ku dhaqan degmooyinka wadadan la dhisay ay marto.

Related posts

Akhriso Shan Qodob oo Laamaha Amniga ku kasban karaan Kalsoonida Shacabka Muqdisho

Cabdi Cade

Qaban-qaabo xooggan oo ka socota Garoowe iyo wafdi culus oo halkaas ku wajahan

Caydiid Ali

Kheyre oo la kulmay Gudoonka Guddiga Doorashooyinka & Xubno kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---